|
Ahmed Kooj
Columbus, Ohio: Juun 21,
2008
Luuliyo

Wakiilada Aqalka
Hoose ee Gobolka Ohio, ayaa ku hawlan dhismaha Hayad
qaabilsan arrimaha muhaajiriinta ka soo jeeda qaarada
Afrika ee ku sugan gobolkan Ohio. Hay’adan ayaa lagu
macaabaa
New African Immigrant Commission:
waxayna hawshoodu noqonaysaa: u ololeeya iyo fulinta
mashaariicda horumarinta ee dadka qaxootigaa, isla mar
ahaantaana noqonaysa mid dajisa qoondooyinka iyo
qorshayaasha ku wajahan baahida qaxootiga Afrikaankaa ee
Soomaalidu ugu horeyso.
Xubnaha aqalka hoose
ee sida buuxda ugu lug leh dajinta sharcigan iyo
dhismaha hay’adan ayaa ah 15 xubnood oo uu Gudoomiye u
yahay wakiil laga soo doorto Degmada 86 oo lagu
magacaabo David Daniel. Waxaana ay kala yihiin
xubnahaasi.
Sharcigan cusub ee
lagu doonayo dhismaha hay’adan awooda buuxda loo siinayo
maamulida dhamaan hawlaha gar-gaara dadka qaxootigaa
ayaa ah mid ku salaysan rabitaanka hay’ado koox oo iyadu
doonaya la wareegida dhamaan adeegyada bulshada. Si
kastaba ha ahaatee, dhismaha hay’adi maahan mid ka ka
yimid ama ka tarjumaya rabitaanka muhaajiriinta reer
Ohio.
Walow dadka qaxootiga
ee reer Ohio aanay si buuxda ugu baraarugsanayn
sharcigan cusub iyo dhismaha Hay’adan New African
immigrants Commission: hadana waxaa jira
dareen cabsi leh oo ka imanaya bulshada Soomaaliyeed ee
reer Columbus. Dareenka arrintaani la xariira ee
Soomaalidu waa cabsida ay ka qabaan in gudigani noqdo
mid yeesha awood dheeri ah, ama adeegyadooda
daruuriga bulshada Soomaalidu in ay hoos tagaan koox aan
inaba hayaraatee wax cilaaqaa la lahayn bulshada.
Dadka u dhuun duleela
arrintan ee aanu wax kawaydiinay ayaa ku tilmaamay
arrintan mid u baahan ka baaran dag dheeri ah. Waxayna
intaas raaciyeen inaanay isku mid ahyn baahida, dhaqanka
iyo cadadka muhaajiriinta ka soo jeeda Afrika ee ku
sugan Gobolkan.
Maadaama Soomaalidu
tahay qaxootiga ugu tirade badan ee dagan gobolkan Ohio,
ayay hadana Su’aasha ugu weyn ee ay is waydiinayaan
tahay sababta kalifaysa in baahidii adeegyadooda gacanta
loo galiyo guddigan cusub?
Eeg lifaaqa sharcigan
cusub:
http://www.legislature.state.oh.us/bills.cfm?ID=127_HB_432
adaad doonayso
warbixin dheeri ah kala xiriir cinwaanka guud ee gudiga
oo ah:
All addresses are 77
S High St. Columbus, Ohio 43215
Chairman David
Daniels,
District86@ohr.state.oh.us
|