|
Luuliyo
Duqa magaalda Columbus Michael B. Coleman ayaa
todobaadkaan mar labaad ku dhawaaqay in aanay da’yartu
dibadaha wareegi karin wixii ka danbeeya 1100 habaynimo.
Coleman waxaa uu yiri : tani waa mid ka mid ah
dadaalkeena aan ugu jirno badbaadinta ubadka iyo
yaraynta danbiyada la xariira da’yarta aan xiliyadaasi
mashquulsanayn.
Duqa magaalda oo ka hadlayay xarun ku taal
degmadan Frenklin ayaa cadeeyay hadii ciidanka Booliisku
qabtaan ilmaha wixii waqtigaas loo gaaro inay gaynayaan
xarunta Booliska, kadibna loo yeeri doono walidiiinta
ilamaha. Waxaa kaloo uu intaasi ku daray in waalidka la
saari doono ganaax gaaraya $500 waa hadii arrintani mar-labaad
dhacdo.
Sharcigan cusub ee la xariira da’yarta ayaa
hirgalintiisu bilaabatay horaantii bishan Juun, ayadoo
ay si raasmi ah u baahiyeen dhamaan warbaahinta
magaaladan Columbus. Waana lagama maarmaan inay
qoysaska Soomaaliyeed ee reer Columbus ku
baraarugsanaadaan arrintan. |