Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
e coli beef
 
 
 
 
 

Hilibka Lo’da ee shiidan ayaa looga shakisan yahay inuu sido cudurka E.coli

luuliyo

 

Laanta caafimaad dowlada hoose ee Columbus ayaa si rasmi ah u sii daysay digniin ku aadan cunitaanka hilibka lo’ada ee laga gatay dukaanka weyn ee loo yaqaan Kroger todobaadkaan. Hibilkan oo ah mid shiidan ayay laanta caafimaadku sheegtay in uu xanbaarsan yahay jeermis loo yaqaan E.coli oo sababa shuban iyo fuuqbax xad-dhaaf ah.

 

Digniintani waxay faraysaa dhamaan dadka uu talaagada ugu jiro hilibkan in aysan sina u isticmaalin, waa ay ku celinkaraan dukaanka Kroger ee ay ka soo gateen. Wixii caafimaad daraa ee aad is leedahay waa ay la xariiraan isticmaalkan hilibkaan fadlan la tasho dhakhtar-kaaga.

 

Dukaanka Kroger ayaa isna si buuxda u joojiyay iibinta hilibka lo’ada ee shiidan, waxayna la socodsiinayaan dhamaan dadkii horey u gatay inay iska soo celiyaan hilibkaasi.

 

USDA - Waaxda Beeraha ee dowlada dhexe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday cabsida laga qabo inuu dilaacay cudurka loo yaqaan E.coli ee keena shuban iyo fuuqbax khatar galin karta nolosha qofka. Waxayna laantu ka digaysaa isticmaalka hilibka lo'da ee shiidan ayagoo si buuxda ugu hawlan sidii suuqa loogu gadi lahaa hilib caafimaad qaba.

 

Faah-faahinta la xiriirta Hilibkan Lo’ada ee dukaanka Kroger waxaad ka heli kartaa ado la xiriira 1800-632-6900 waxaad kaloo la xariiri kartaa Waaxda Beeraha ee loo yaraan USDA.

 

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.