Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
 
 
 
 
 

Qareemo Ka Caawinayo Qaxootiga Hawlaha Laanta Socdaalka iyo Daganaanshaha.

 

 Ahmed Kooj

luuliyo

 

20 Juun oo ah maalinka Qaxootiga Aduunka ayaa Qareemo ka socda hayda Economic and Community Development Institute oo loo soo gaabiyo (ECDI), waxay ay si tabaruc ah dadka qaxootigaa ee reer Columbus uga caaawin doonaan arrimaha la xariira Sharciyada, warqadaha socdaalka iyo daganaanshaha dalkan Mareykanaka.

 

Qareemadan ayaa ku soo xaadiraya xarunta Jaaliyada Soomaaliyeed Subaxnimada hore ee 20 Juun oo ku began Jimcaha ina soo haya.  Xarunta jaaliyadu waxay ku taalaa wadada Cleveland, ee magaalada Columbus. Sharci yaqaanada ayaa dadka gacan buuxda ka siinaya dhamaan hawlaha la xariira laanta socdaalka (Immigrationka) sida Green Cardka, Baasaboorka.

 

Hayda ECDI oo ayadu hawshan hormuudka ah waxay ku wargalinaysaa dadka qaxootigaa ee doonaya in laga caawiyo hawlaha Immigrationka inay horey u so qaataan dhamaan wixii Dukumeenti ah ee la xariira hawlohooda. Burhan Axmed oo ka mid ah saraakiisha ECDI kuna hawlabaa abaabulka hawshan oo aan wax ka waydiiyay arrinta ayaa yiri……

 

Hawshan qirada weyn oo ay hormuud ka tahay hayada ECDI waxaana kala qeyb qaatay Xarunta Jaaliyada Soomaaliyeed iyo hayado kale. Sidoo kalana waxaa gacan ka siiyay ganacsiyada Soomaalida ee magaalada Columbus 

 

Hadii aad doonayso warbixin dheeri ah, fadlan la xariir Burhan Axmed oo aad kala xiriiri-kartid taleefoonkiisa ah 614-559-0163 ama 614-804-2925

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.