Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
 
 
 
 
 

Doorashada Mareykanka: Looltanka loogu jiro aqalka cad oo kulu laaday.

Abdirizak Ahmed

luuliyo

 

Bishan Aug 25-28 ayaa waxaa ka dhacaya magalada Denver ee gobolka Colorado caleemo saarka musharaxa madexweynenimo ee xisbiga dimuqradiga Barrack Obama.

 

Hadaba dad badan ayaa is waydiinaya waxa uu noqon doono kaalinta madexweynihii hore ee dalka Mareykankan Bill Clinton kaas oo la xaqiijiyay in uu ka hadli doono munaasabadam habeenka sadexaad waa inta aan la shaacin qofka u tartami doono jagada madexweyne ku xigeenimo.

 

Obama ayaa la xusuusanyyahay looltankii kululaa ee uu la soo galay Hillary Clinton, oo laftirkaada la qorshaynaya in ay ka hadasho munaasbadan habeenka labaad, waa habeenka ka horeeya habeenka uu saygeedu ka hadli doono. Tani ayaa la aaminsanyahay in ay wax wayn ka badali doonto taageerayaasha Hillary ka dib markay qoyska Clinton meel muhiim ah kawada hadlaan muujiyaana in aysan taageerayashoodu wax ba hagran.

Dhanka ka kale Musharaxa madexweynenimo ee xisbiga jamhuuriga John McCain ayaa isagana caleemo saarkiisa oo kadhici doono magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ayaa  la filayaa in uu dhici doono bisha 9aad 1-4 teeda.

 

Hadaba waxaa mugdi uu ku jiray in uu munaasbdaas ka hadli doono madexweyne ku xigeenka haatan Dick Cheney oo ah nin aysan intabadan dadka mareykanku la dhacsaneyn. Si kastaba ha ahaatee afhayeentiisa Megan Mitchel ayaa xaqiijisay in uu ka hadli doono munaasabadan, isla habeenka uu madexweyne Bush ka hadli doono.

 

Hadaanu ka yara weecano dhanka yaa hadli doona iyo yaasan hadli doonin.

Looltanka doorasho ee labada xisbi ayaa aad u kulu laaday. Ayadoo uu marayo heer shaqsiyada la iska abaaro. Sida intiina la socota aad ogtihiin. Senator McCain ayaa waxuu wayahan danbe adeegsanayay ii dhehyo la aaminsanyahay in ay dad badani shaki galisay ayna ka mid yihiin Obama canshuurta ayuu idinku kor dhin doonaa,malaha qorshe tamareed ee uu wax uga qabanayo gaaska sii qaaliyoobaya, wuxuu lamid yahay Britney Spears and Paris Hilton.

 

Xaqiiqiyan Qorshaha Obama waxuu canshuur kordin ku samanyaa qoyskii sameeya 250,000 ka badan  Dhanka Obama ayaa iyana bilaabay ii dhehyo lamida sida  Hadaad Bush siinaysaan wareeg sadexaad oo madexweynenimo meel kale ha ka raadinana waa McCain. Wuxuu canshuurta ka dhimayaa dadka maal qabeenka ah, wuxuu lacag dheerad ah u raadinayaa kambaniyada shidaalka, wuxuu canshuurta ka dhimayaa kambaniyada shaqooyinka dibada  udira. McCain waa Bush sadexaad. ii dhehdaan ayaa bartilamaameedkedu yahay dadaka cod bixiyayaasha dabaqada dhexe.

Sanooyin badan ka dib  waa markii koobaad ee  uu mushrax madexweyne ee xisbiga jamhuuriga uu qaado raadka McCain oo ah in uu iska fogeeyo maalqabeenada.

 

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.