Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves
alt

 

alt
alt  
 
 
 
alt  
 
 

Musiibo Banii’aadannimo Oo Soo Wajahday 14 Million oo Geeska Afrika ku Nool.

Ahmed Hosh

luuliyo

 

In ka badan 14 Malyan oo shacabka Geeska Afrikaa ayay soo wajahday xaalad banii’aadanimo oo ay keeneen abaaro ay weheliyaan sicir bararka cuntada iyo shidaalku. Waa sida aanu ka soo xiganay xubin sare oo kamid ah ha’yda Qaramada Midoobay laanteeda mucaawinooyinka ama gargaarka.

 

Wakiilka xoghayaha guud ee QM laanta Arrimaha Gar-gaarka John Holmes oo kula hadlay warbaahinta xarunta QM ee magaalada New York ayaa Sheegay in dad ka badan 14 Milyan oo ku sugan Geeska Afrika: Wadamada Ethiopia, Somalia, Eritrea, Djibouti, Uganda iyo Kenya ay qarka u saran yihiin musiibo banii’aadanimo ayna u baahan yihiin mucaawino cunto iyo gar-gaar banii’aadanimo oo kale bilaha soo socda.

 

Holmes waxaa uu sheegay in roobabkii oo la waayay iyo sicir bararka ama qiimaha kor u kacay ee ee cuntada daruurigaa iyo shidaalku si weyn u dhaaweceen wax soo saarkii beeraha ayna khatar galiyeen noloshii malaayiin qof oo uu ku sheegay in awalba xaaladooda nololayd ahayd mid adag.

 

Koonfurta Ethiopia 4.7 Million ayaa si deg-deg ah gar-gaar cunto ugu baahan, ayadoo ay sii dheer tahay 5.7 Million oo horey loo gar-gaari jirey. Caruur dhan 75,000 kuna ay si daran u hayso nafaqo xumo una baahan yihiin in si dag-deg ah loo quudiyo taas ooy ay tahay inay gacan ka gaystaan haydaha UNICEF iyo WHO.

 

Caafimaadka malaayiin reer Ethiopian ah ayay xaaladooda aadanimo liidataa, halka xaaladu iminka maraysana waa midaan la aqbali Karin. Bulshada caalamku waa inay gacan ka gaysato badbaadinta dadkaas. Sidaas waxaa yiri Dr. Eric Laroche oo ah kal-kaaliyaha madaxa laanta caafimaadka  ee WHO.

 

WHO waxaa kaloo ay soo warisay in goobaha abaaruhu halakeyeen ay khatar ugu jiraan inay ka dilaacaan cuduro shubanku kamid iyo nafaqo daradu ka mid yihiin.

 

Xaalada Soomaaliya, Holmes waxaa uu sheegay in ay jirto musiibo ay sababeen dagaalda, abaaraha iyo qiimaha maciisahda ee kacay. Waxaana uu hoosta ka xariiqay qiimo jabka ku dhacay Shillinka Soomaaliga inuu kaalin weyn ka qaatay qirada mushkiladan baaxada weyn, ayadoo ay wali taas weheliso qiimaha Bariiska la soo galiyo dalka oo kor u kacay boqolkiiba 350  tan iyo intii u dhaxaysay 2007 iyo Maarso 2008.

 

Tirada dadka soomaaliyeed ee gurmadka cawimo u baahan waxa ay korortay 2.6 million sanadkan, taas oo ka taagan boqolkiiba 35 shacabka, halka la cadeeyay inuu yahay kororka xaalda la xariira macaluulsha ee caalamka ee dhami inuu kor u kacay 18 iyo 24 boqolkii inta u dhaxaysa, Soomaaliyana ay ka sareyso  boqolkiiba 15 % waxayna taasi daliil u tahay musiibada ku habsatay dalkaas.

 

Holmes waxaa uu cadeeyay in dagaalada ka socda Soomaaliya ku qasbeen 850.0000 kun oo qof inay ka qaxaan magaalo madaxdii dalka, taas oo abuurtay cunto yari aad uba’an.

 

Dalka Kenya 1.2 million oo qof ayaa iyana u baahan gar-gaar banii’aadanimo, gaar ahaan dadka ku nool degmooyinka waqooyi galbeedka dalka Kenya, halka wadanka Uganda 700.000 kun oo qof oo ku sugan waqooyi dalkaasi ay helaan wax uun cawimo ah, taasoo ay sababtay dagaalda ka socda waqooyiga dalkaasi.

 

Holmes markuu ka hadlay dalka Eritrea waxaa uu sheegay inay wax yeelaysay roob la’aanta waqtiga dheera dalkaasi ka jirta. Ayadoo dalka Djibuoti na ay ka jirto macaluul ba’an oo haysa caruurta da’ doodu ka yartahay Shanta sano taas oo kor u kacday inta u dhaxaysa 17 iyo 25 boqolkii, ayadooy taasi weheliso 80.000 kun oo qof inay gar-gaar u baahan yihiin Waqooyi  Galbeed dalkaasi.

 

Ugu danbayntii waxaa uu qaylo dhaan cawimo u diray bulshada caalamka asagoo sheegay in QM ku haylan tahay siday wax uga qaban lahayd noolaynta wax soo saarka beeraha, waxaynu isku dayaynaa inaanu bixino abuur xoolahana quudino.

 

Shaqaalihii gar-gaarka ee ka shaqeynayay iyo dadkii kii wax garadkaahaa ayaa bartilmaameed u noqday dhinacyada ku hardamaya gudaha dalka Soomaaliya. taasina waxay caqabad hor-leh ku tahay dhamaan hawlihii garkaarka ee gaari lahaa dadka tabaalaysay. Horaantii usbuucan ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay madixii hayda UNDP ee Muqdisho.

 

Xaalada banii’aadanimo ee dalka Soomaaliya ayaa maraysa halkii ugu hoosaysay tan iyo wixii ka danbeeyay sanadii 1992 kolkaas oo ay si weyn u halakeeyeen gayiga Soomaaliya dagaalo sokeeye ayna ku baro keceen malaayiin qof. Balse baahida iminka jirta yaa ah mid u baahan gar-gaar ay ka qeyb yihiin dadka Soomaaliyeed eek u sugan dibadaha dalka.

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.