Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
Sawir kaneeco
 
 
 
 
 

Kaneecada Magaalada Columbus oo la ogaaday inay xanbaarsan tahay Jeermiska loo yaqaan West Nile Virus.

 

Ahmed Hosh

luuliyo

 

Waaxda caafimaadka ee magaalda Columbus ayaa tijaabo ay ka qaaday kaneecada magaalada, ku dhawaaqay in kaneecada  xanbaarsan tahay jeermiska loo yaqaano West Nile  Virus, oo ah cudur laga qaado qaniinka kaneecada sida Maleriyada oo kale, kaasoo markii ugu horeysay ee la ogaado laga helay degmada la yiraahdo West Nile ee dalka Uganda sanadii 1937kii. Jeermiskan ayaa ah mid aad u wax yeeleeya dhanka Maskaxda qofka, iyo fardaha si weyna u laaya shimbiraha waa hadii uu ku dhecee.

 

Tijaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee lagu ogaado in kaneecada magaaldan Columbus gaar ahaan xaafadaha ZIP code kala yihiin 43211 iyo 43207 ay xanbaarsan tahay cudurkaan. Qaabka kaliya ee loo xakamayn karo ama loo suulin karo ayaa ah in la cirib tiro nooca Kaneecada xambaarsan jeermiskaan.

 

LeMaile Williams oo ah Masuulka sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka Columbus ayaa tijaabadan lagu ogaaday cudurkaan dilaagaa ku tilmaamay tilaabo muhiim ah. Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in shacabku ka taxadaraan arrinta ayna iska ilaaliyaan qaniinka Kaneecadan Jeermiska dilaagaa sida. asagoo yiri waa inay dadku  isticmaalaan Sunta Kaneecada, xirtaan dhar ka celinaya qaniinka gabalku markuu dhoco, iska dayac tiraan shabaqa daaqadaha guryaha, iyo inaysan xaafaduhu yeelan meelo biyo fariisi ah waa meelaha kaneecadu ku soo aruurtee dabadeedna ku dhashee.

 

Cudurkan qaniinka kaneecada laga qaado ee West Nile Virus ayaa sanadii 2006 lagu sheegay 1 qof halka, halka sanadii 2002 uu magaaladan Columbus ku dhacay 441. Dadka da’doodu ka weyntahay 50sano, iy0 kuwa qaba cudurka Sonkorowga ayuu ugu khatara badan yahay cudurkani.

 

Calaamada cudurkani waxay u egyihiin hargabka waxaana qofku dareemayaa qandho guud, madax-xanuun, iyo lalabo badan. Hadii aad isku aragto calamadhaha cudurka waa muhiim inaad la tashato takhtarkaaga.      

 

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.