|
Ahmed Hosh
luuliyo
Qaar akamid ah Maktabadaha magaalada
Columbus ee dadka Soomaaliyeed kamid yihiin
macaamiishooda ayaa ku hawlan siday u kordhin lahaayeen
agabka ama tixraacyada la xariira dhaqanka iyo
taariikhda Soomaalida.
Macaamiisha Soomaalida ee iyagu taga
maktabadahaas ayaa had iyo jeer ah kuwo doonaya inay wax
ka ogaadaan dhaqankooda iyo taariikhdooda walow aysan
marktabaduhu haynin agabka Soomaaliyeed sida kuwa gaar
ahaan dhalintu baahida u qabto ama doonayaan inay helaan.
Nieco Nowels, oo iyadu maamusha Maktabada
Westerville ayaa go'aan satay inay arritnaas wax ka
qabato, agab dheeri ahna u hesho ardayda Soomaaliyeed ee
iyagu imanaya maktabadaas doonayana inay wax ka bartaan
ama helaan macluumaad la xariira hidii iyo dhaqankoodii.
"dhowrkii buug ee aan horey u haynay
waxay ahaayeen kuwo had iyo jeer lala maqan yahay, mana
aynaan awoodin inaan kaabno baahida macaamiisheena afka
Soomaaliga ku hadasha" sidaas waxaa tir Nowels.
Waxaa
lagu qiyaasay 38% ardayda dhigata iskuulada xaafada
Westerville oo tiro guud dhan 1,200 oo arday oo dhamaan
luuqadooda kowaad tahay afka Soomaaliga.
Nowels oo sii qeexday arrinta waxay tiri:
"Wixii ka horeeyay bishii ina dhaaftay Maktabada
Westerville waxaa yaalay 47 buug oo kaliya, waxaa lagama
maar-maar moqotay in arrinta wax laga qabto loona helo
ardayda Soomaaliyeed agab intaan ka badan"
Maktabada Westerville waxaa ay iminka
sookordhiyeen Buugaag iyo DVD gaaraya 40, taasoo
labo jibaartay agabkoodii hore. Agabkan cusub ayay
martabadu la kaashatay Tricia Ross oo arruurisa
tixraacyada Soomaalida la halmaala.
Ubadka
Soomaaliyeed ayaa ayagu ah kuwo baahi weyn u qaba
barashada hidaha iyo dhanqanka Soomaaliyeed, si ay u
bartaana waa inay helaan agab iyo tixraacyo ku filan oo
ay akhriyaan, dhagaystaan ama daawadaa.
Hadaba dadka Soomaaliyeed ee baahida u
qaba barashada taariikhdoodu waa inay ka codasdaan
maamulka maktabadaha waa 'Libareriga' xaafadoodu siday
buugta iyo wax yaabaha kale ee dhaqanka iyo taariikhda
la halmaala ugu soo kordhin lahaayeen maktabada. Ayagoo
qaadi lahaayeen tilaabo lamid ah mida ay Ms. Nowels
maamulaha maktabada westerville qaaday oo ah mid wax
weyn ku soo kordhisay Soomaalida reer Westerville iyo
gabi ahaan ummada Soomaaliyeed.
Barashada taariikhda iyo dhaqanka
goonidaahi waa halbowlaha ummada, Martabaduhuna waa
halka ugu muhiimsan ee suurto galin karta arrintaas. |