Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
 

Waxaa munaasabad baroor diiq ahan lugu qabtey magalada Nairobi oo Loogu boroor diiqayay marxuum wariye Nisteex Daahir Faarax

 
 
 
 

Tacsi Iyo Taariikh Kooban  - Nasteex dahir Faarax

 

 Ugu horayn waxan farta cas ee dhiigaa ku qorayaa dareenkayga oo ka tarjumaya sida  aan uga xumahay waxa dhacay, marka xigtana waxan halkan ku xusay inta aan ka aqan nasteex dahir faarax wariyihii laqmaday.

 

Inta aan ka ogahay Nasteex waxa uu ahaa nin dhalinyaraa waloo aana hubin hadana waxan ku qiyaasayaa dad diisa 26-25jir waxana uu aha anin dabeecad wanaagsan,una jan jeera dhinaca wax barashada horumarka,cibaadada,iyo sidii uu ku hanan lahaa hamigiisa oo ahaa in uu gaaro meel taariikhi ah dhinaca saxaafada.

 

Sanadkii 2003dii Nasteex,aniga,Lafoole,gaashaan,Maahirjamaca,Sahruuja,laylo,Ali yasin,iyo dhalin kale waxaan howl wadeeno ama shaqale kahayn warbahintii ugu hooraysay ee kismayo abid laga furo ee radio Jubba,waxana in mudaa si mutadawac nimaa ugu adeegaynay bulshada somaliyeed gaar ahan kuwa jubooyinka oo ahaa kuwo xiligaas ay haysteen dhibaatooyin ka dhashay dagaalo iyo hardan siyaasadeed oo ay wadeen kooxo manaxayaalah.

 

Mudadaas Nasteex waxa uu ahaa abaha ama hurmuudka Teamkii shaqada waday waxana xasuustaa asaga oo aan qadayn quraacan,in uu u fadhin jiray tifatirka iyo habaynta waxa ka baxaya idaacada,danwalbana waxa uu ka horumarin jiray mida  shacabka uu u hayo,asga oo na oran jiray war dadka wax u cuntamaya haloo sheego,xaqiiqadana ka warama.

 

 

Mudo kadib nasteex iyo saxiibadakale waxa ay sameeyeen urur saxafadeed oo la oran jiray( JIJA) Jubbaland independent journalists associated kaas oo bah wadaag lahaa uruka iminka shaqeeya ee nusoj,waxa uuna ahaa hogaanka ururkaas.

 

Sanadii 2005biloowgeedii nasteex waxa aanu ka wada tirsanayn idaacada hornafrik kismayo,wax uuna haa tifa tiraha idaacada,xiligaas oo aan bishii 5aad anigu ka soo tagay.

 

Xaqiiqdii waxa uu ahaa nin dabeecad ahaan aad u fur furan kaftanbadan,soo jiidasho leh xirfadiisuuna waxay ahayd mid ku salaysan qibrad iyo wayo aragnimo ilaah haybad usiiyay,waxana  oran karaa saxiib dunida sharaf ayaad ku noolayd mantana janada ayaad ku nooshahay.

 

Nasteex waxa uu ka tirsanaaa ama la shaqyn jiray dhowr hay’adadood oo aanka xusi karo

BBC,AP,Nusoj,Kanva youth,& meelokale oo dhamaantood uu halboowle muhiim ah u ahaa,

 

Hadaba nasteex waxa uu ka mid noqday wariyaal somaliyeed oo si arxan daraa loo waray wadooyinka magalooyinka ay ku noolyihiin ayada oo aan wali la hayn hal wariye oo cidiid dishay sharciga la horkenay taas badalkeeda ma dadlkasta oo la samaynlaha lagu badalay,maqal oo ka dhaqaaq.

 

Waxa uu nasteex ifka kaga tagay xaskiisa idil cabdi axmed wiilkiisa Maxed saadaq nasteex dahir oo 10 bilood jir ah iyo uur lix bilood ah,ilahna waxan uga baryayaa in uu nasteex janada ka warabiyo kuwa dilayna uu abaalkooda marsiiyo,

 

Hadaba aniga oo ku hadlaya magaca suxufiyiinta solamliyeed meel walba ha joogane gaar ahaan kuwa igula nool wadankan waxan tacsi u iraynaa qoyska saxibka  aan waynay iyo xaskiisa waxana ilahay uga baryayna ain uu samir kasiiyo,asna uu janada ka warabio.Amiin Aamin Aamin   

 

Deeqo shire (Sonna) Ohio  USA

deeqoshire2@yahoo.com

 

Nasteh Bidix iyo Asxaab kale

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.