Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves
alt

 

alt
alt  
Ohio State map
 
 
alt  
 
 

Baarlamaanka OHIO oo ansixiyay in Luuqada Englishku tahay tan rasmigaa ee gobolka

Sharci dajiyayaasha gobolka Ohio ayaa soo jeediyay in luuqada Eglishka laga dhigo luuqada kaliya ee gobolka OHIO.ayagoo doonaya in dadku bartaan luuqada Englishka.
Waxaynu wada noqonaynaa Maraykan hadii aan kuwada hadalno hal luuqad, sidaa waxaa yiri Courney Combs. kadib markii aqalka sharci dajinta gobolka la soo hordhigay sharcigan cusub ee lagu doonayo in meesha looga saaro luuqada kale English kuna u qaato kaalinta koowaad.

Sharciganai wuxuu dhiiri galinayaa in dadka dalkaan u soo haajiray bartaan luuqada Englishka ayuu yiri Combs oo hadalkiisii watay.
Laakiin urur isagu u dhaqdhaqaaqa arrimaha dadka Latiinkaa ee ku hadla Isbanishka ayaa sheegay in sharcigani khatar weyn ku yahay gobolka Ohio, ayagoo yiri hadii dawlada gobolka rabto in dadku Luuqada Englishka ku hadlaan waa inay maal galiyaan barashada luuqada.

2006 ayaa sharcigan waxaa bilaabay Rep. Robert Mecklenborg, asagoo u jeedadiisu tahay in gabi ahaanba hawlaha gobolka loo adeegsado luuqada englishka, dhamaan xafiisyada dowladuna waxay isticmaalayaa luuqada Englishka oo kaliya, si loo hormariyo barasha luuqada ee dadka muhaajiriinta ah. Sharcigani se ma noqonayao mid ka horyimaada kuwa heerka dowladeed, iyo hawlaha caafimaadka iyo amniga gobolkan OHIO.

Waa in dawladu gacan ka gaysato sidii shacabka badanaya ee reer OHIO u baran lahaayeen luuqada Englishka noqdaana mareykan. Waxaa sidaa yiri Mauro Mujica Madaxa U.S Eglish Inc. tani waxay abuuraysaa dad wax soo saarkoodu sareeyo, waxayna yaraynaysaa dabaqada luuqadeed ee jirta. Waxayna dadka reer OHIO cadeeyeen in dowladu ka howl gasho horumarinta Englishka iyo sidii loo bari lahaa dadka soo galootigaa,. Ayuu yiri Mujica asagoo hadalkii sii sii watay.

Arrintan la xiriirta luuqadu maahan mid ku kooban OHIO oo kaliya ee gobolo gaaraya 30 ayaa horey u hirgaliyay sharci midkaan lamid ah. Waxaa jirta in 77% dadka reer ohio doonayaa in luuqada Englishku noqoto mida rasmigaa ee gobolka, sidaas waxaa cadeeyay cilmi baaris ay samaysay hayada lagu magacaabo Mason_Dixon sanadii 2006da.

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.