|
Maxay tahay canshuur celintu?
Si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka ayaa dad ka badan
130 milyan loo celinyaa lacag, laga bilaabo bishan Meey.
Lacantani maahan mid la canshuurayo, mana ahan lacag
kordhinaysa ama dhimaysa canshuur celintaada 2007 & 2008
da.
Yaa Xaq u leh? Waxaa
xaq u leh gabi ahaan dadka xareeyay canshuurtii sanada
2007, waxaa kaloo laga yaabaa in dad badan oo aan
canshuuro xaraysan ay helaan iyana: Xaq ayaa u leedahay
inaad heshid hadii aad leedahay "Social Security Number
SSN", uuna dakhliga ku soo galay gaarsiisan yahay $3000,
ha ahaadeen dakhli aad shaqeysatay, ama taageero si
sharciyaysan kugu soo gashay.
Hadii aadan helin ama xaq u lahayn
sanadkan, waxaa kuu banaan inaad codsatid sanad
cashuureedkaaga 2008.
Lacag intee dhan ayaad
helaysaa? cadadka dhabtaa waa mid ku xiran war-bixin
canshuureedad sanadkii 2007. Shaqsiga kaligiis ihi wuxuu
helayaa lacag u dhaxaysa $300 Ilaa $600. Kuwa is qaba
ama sida wada jirkaa u xareystay waxaa helayaa $600 ilaa
$1200. Kuwa caruurta lehna waxay ku helayaa cunug kasta
$300. Ilmuhu si ay xaq ugu yeeshaan waa inay leeyihiin
"Social Security Number SSN"
Lacag celintu waxay la xiriirtaa
dakhliga qofka, dadka dakhligoodu sareeyo waxaa laga
yaabaa inaysanba helin wax lacaga ama ay ka yaraato
jaangooyada guud.
Sidee u helaysaa lacagtaada?
Hadii aad canshuurtaadi sanadka ku heshay Koontaada
Bangiga, iyana Bangiga ayaa laguugu soo dirayaa, hadii
kalena waxaad ku helaysaa boostaadaada.
Goorma ayaad helaysaa lacagta?
Laga bilaabo 2 Meey si toos ah ayaa bangiyada loogu soo
shubayaa lacagta. Wixii ka danbeeya 16 Meey ayaa la
bilaabayaa in Jeegaga loo diro dadka boostada ku sugaya.
Canshuur celintu waa ay bilaabatay,
waxaana jira khaladaad farsamo oo ka dhacaya laanta
canshuura ee IRS sida:
- Jeegaga oo Koonto khaldan ku dhaca, wallow aysan
aad u badanayn ilaa hada waxaa la tabiyay in ilaa
1,500 ku dheceen kootooyin khaldan.
- Waxaa kaloo jirta khalad aad u yar oo ah in qoysas
gaaraya 350,000 laga hilmaayay in loo diro lacagihii
caruurta qaarkood. Balse si dag dag ah ayay IRS tu ula
xiriirtaa dadka qadafyada noocanihi ku dheceen,
mararka qaar intaanba lala xiriirin.
wixii xoga ee ku saabsan canshuur
celinta waxaad ka heli kartaa laanta canshuuraha ee
ciwaankeeda internetku yahay
www.IRS.GOV xog
luuqada Ingiriisigaa ahna halkan ka eeg http://www.irs.gov/newsroom/article/0,,id=179211,00.html/ |