|
Abdirizak Ahmed
Dadwaynaha reer Kenya ayaa si weyn u soo dhaweeyay
guusha uu Senator barack Obama kasoo hooyay in uu noqdo
musharaxa xisbiga dimuqradiga u taagan doorashada guud
ee madaxweynenimo oo dhici doonta sanadkan 2008 bishiisa
11aad.
Dad u
hanbalyaynaya obama ayaa fariimo kasoo kala dirayay
magaalooyin badan oo kamid ah dalka Kenya, sida Kisumu,
Nairobi, Mombassa, Garissa, iyo Mooyaale iyagoo waliba u
rajeeyay Obama in uu ku guulaysto madaxwenenimada.
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki iyo raaisul
wasaarihiisa Raila Odinga ayaa ahaa kuwa ka hadla arinta
Obama, ayadoo madexweyne Kibaki uu ku suganaa magaalda
Arusha ee dalka Tanzania uu u hanbalyeeyay, sidoo kale
raa'isulwasaare Raila Odinga ayaa ku tilmaamay guusha
Obama mid taariikhi ah.
Obama
ayeeydii aabe Sarah Hussein oo 86 sano jir ah ayaa kula
hadashay dadka tuulada ay degantahay ee Alege Kogelo ee
degmada Si'aya, halkaas oo ah halka uu ku dhashay Barack
Obama aabihii waxayna aad ugu mahadcelisay dadka
Mareykanka ah ee wiilka ay ayeeyada u tahay doortay.
Sarah
Hussein ayaa maalintii Arbacada ahayd ku qaadatay
dhamaan waqtigeedii ku hadal qadka telephonka ay kula
hadlaysay qaraabadeda kala jooga Mareykanka, Ingiriiska
iyo Koonfur Africa ayna kala hadlaysay natiijada
doorashadii dhacday talaadada.
Waxaan u safri doonaa dalka mareykanka si aan goob joog
uga ahaado dhaarta madexwenenimo ee wiilkayga oo aan
hubo inuu ku guulaysan doono, laakiin joogi mayo waqti
dheer ayay hadalkeeda raacisay.
Madexweyne ku xigeenka dalka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa
sidoo kale ku tilmaamay guusha Obama mid taariikhi ah.
timidna xili ku haboon
Xaqiiqiyan waxay ahaan doontaa arin taarikhi ah maadaama
ay suurtogal tahay inuu noqdo madexwenihii ugu horeeyay
ee dalka Mareykanka xukuma kana soo jeeda qaarada
Africa.
Safiirka u jooga dalka Mareykanka wadanka kenya Micheal
Ranenberger ayaa yiri guusha Obama waxay saameyn weyn ku
yeelan doonta dalka Kenya.
Inkabadan 350.000 oo Kenyan ah ayaa ku nool dalka
mareykanka , ayadoo 7.000 oo kalena ay booqdaan dalka
mareykanka sanadkii taasoo muujinaysa ku luglahanshaha
weyn ee reer Kenya dalka Mareykanaka ayaa waxa yiri
safiir Ranenberger.
Dabaaldagii ka dhacayay halka Obama aabihii uu ku
dhashay ee Si'aya ayaa shaashadaha caalamka oo ay ugu
horeysa CNN ayaa si toos ah looga daawanayay. Waxaase
warbaahinta degamadaa qabsatay kamid ahaa BBC, Reuters,
Aljazeera iyo kuwo kale oo badan, si kastaba ha ahaatee
waxay sugayeen warbaahintani Sarah mudo saacado ah
ayadoo noqotay qof-caan ah.
Waxaase sidoo kale xusid mudan inay badatay dadka
Obama qaraabaysanaya tan iyo markii lagu dhawaaqay
guushiisa.
Sarah
ayaa sheegtay in markii Obama waalaashii Rita Auma Obama
uu ku nool south Africa ay isoo wacday iina sheegtay
warkan farxada leh, ayaan ku iri Mahad eebaa iska leh
ayadoo hadalkeeda sii wadata ayay tiri Waan jeclahay
Africa, hada waayeel baan ahay Mareykana waa qabow ay
adagtahay ku noolaanshihiisa, balse waan booqan doonaa
Hadii Alle idmo Insha Allah.
Gobolka waqooyi bari ee Kenya oo ay daganyihiin dad isir
ahaan ka soo jeeda dalka Somalia ayaa ayaguna si weyn
usoo dhaweeyay guusha Obama, waxaase xusid mudan in
sanadkaan bilowgiisii ay taagerayaasha u ololaynayay
Hillary Clinton ay aalada Internetka ku faafifiyeen
sawirka Obama oo xiran dhar dhaqameed ay leedahay beesha
soomaliyeed ee degan degmada wajir ee dalka Kenya .
Hadaba ninkii ay Obama wada sawirnaayeen oo lagu
magacaabo Mohamed Hassan Mumin ayaa sheegay in uu aad
ugu faraxsanyahay guusha Obama una rajeeyay in jagada
madaxwenenimo ku guulaysto,
Ugu
danbeyntii dadka Kenya ayaa u arka inuu Obama u yahay ku
dayasho wanaagsan dhalinta da’da yar ee reer Kenya ee
soo kacaysa. |