Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
Ohio Statehouse
 
 
 
 
 

Kamarooyin Cusub oo lagu Xirayo Jidad Kagaalada Columbus

Abdirizak Ahmed

Magaaladan Columbus ayaa laga wadaa qorshe lagu hirgalinayo camerayoon lagu xiro baalayaasha nalalka taraafikada si ay u sawiraan cidii ku xadgudubta nalka oo gaduudan. Tani waa mid laga hadal hayo inta u dhaxeyso Toledo ilaa Phoenix ilaa Losangels iyo meelo ka fog fog ayadoo loo adeegsaday duubista iyo ticket  bixinta darawalo badan oo jaray nalka oo guduudan

Isticmaalka Camerooyinka ayaa loo arkaa in ay yaraynayso halista badan ee ay geestan darawalada nalka oo guduudan wadada  jara, balse qorshahani dadka ka soo horjeeda ayaa u arka in tani tahay mid ay magaaladu lacag ka samaynayso, maadama ay camerooyinku duubayaan warbixin qaas ah oo ay ahayd in aan la duubin, sidoo kalena waxay ahayd in policku ilaliyaan xuquuqda dadka baabuurta wada. Si kastaba ha ahaatee qof waliba oo kasoo horjeedsada qorshahani ayay xaqiiqdu tahay in qorshahani uu ka hirgaliyo magaladan Columbus sida ugu dhaqsiyaha badan 

Camarooyinkaan ayaa hada ka hirgalay wadooyin badan oo ay kamid yihiin East fifth Ave iyo N. Fourth st, Spring iyo Cleveland, Broad iyo High  iyo kuwo kale oo farabadan ayadoo maamulka magaaladuna qorshaynayo hirgalinta kuwo kale oo badan.

Hadaba qaabka camerooyinkani u shaqaynayaan ayaa ah ayagoo sawariya dhamaan gaariga waliba gaar ahaan taarikada gaariga iyo warbixino dheeraad oo kale  kadibna waxay cameradu sawirka ay qaaday u diraysa xarunta shirkada caamarooyinka laga leeyahay oo ku taal magaalda phoenix, Arizona. Ayagoo  dib ugu soo dira Columbus oo ah halka laga qaaday.

 

Booliska magaalada Columbus ayaa sheegay in nal guduudan oo la goooyay  ay in kabadan 1, 700 oo qof ay ku dhaawacmaan halka 3800 oo gaarina ay wax-yeelo kasoo gaarto sanadkii dhibakani ayaa dalka ugu kaca 7billion oo dolar sanadkii markii qorshahani wuxu badbaadinayaa kumaanan dada

 

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.