|
Abdirizak Ahmed
Hay’adda UNESCO oo xarunteedu tahay magaalada Paris ee
dalka France ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in
ay jirto cadaalad darro soo waajahday carruur badan oo
ku dhaqan 11 dal oo ku kala yaal Aasiya , Woqooyiga
Africa iyo Koonfurta America. Daraasadan oo uu
sameeyeyey machadka UNESCO ee tirakoobyada oo loogu
magac daray ( Aragtida dugsiyada hoose ) ayaa lagu
sheegay in 7600 oo dugsi oo ku yaal wadamadaan ay ka
jirto cadaalada daro kahaysata caruurta ehelkooda lagu
tiriyo in aysan dhaqaalale haysan.
Madaxa Machadka ninka lagu magacaabo Handirik Faan Dir
Bool ayaa sheegay in carruurta eheladooda aan dhaqaalaha
lahayn aysan ka helayn dugsiyada ay dhigtaan waxyaabaha
ay kamid yihiin biyo nadiif ah iyo koronto .
Mid kamid ah ragii soo diyaariyey warbixinta ayaa
sheegay in carruuta eheladooda aysan wax haysan ay la
kulmaam dhibaatooyin ay kamid yihiin iyagoo laga takooro
caruurta kale ay wax wadabartaan.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in macalimiita iyo
maamulada iskoolada ay carrurta noocaas ah dhigtaan ay
ku tilmaamaan in ay yihiin carruur aan akhlaaq wanaagsan
lahayn
Hay’addu waxa ay u soo jeedisay dhamaan dhinacyada ka
shaqeeya waxbarashada in wax laga qabto cabashoyinka ka
soo baxay ehelada aan wax haysan carruurta u dhigato
dugsiyada hoose , haddii aan wax laga qabanna ay kordhi
doonto tirada carruurta aan waxbaran . |