|
Ahmed
Hosh - Kooj
Sen.
Obrak Obama ayaa ugu danbayn ku guulaystay
musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga Demoquraadiga,
kadib tar-tan socday 16 bilood. Guusha Obama waxay
noqotay mid taariikhi ah, maadaama uu yahay qofkii ugu
horeeyay ee ka soo jeeda asal ahaan Afrika ah oo
hela taageero gayaysiisa inuu u tartamo jagada dalkan
ugu saraysa.
Musharaxa ayaa helay 2232 xubnood wakiilada khaaskaa ee
xisbiga loona yaqaan - Supper Delegates, halkii laga
rabay inuu helo 2218, waxaana uu kor u dhaafay 14
xubnood.
Dhanka kale, Sen. Hillary Clinton oo iyadu tar-tan aadka
u dheer la soo gashay Obama yaan illaa iyahada si buuxda
uga harin doorashada, inkastoo la shaaciyay guusha Obama.
Hillary ayaa hakisay hawleheedii tar-tanka, walise
si rasmi ah uma aysan cadaynin in looga adkaaday tar-tankan.
Waxaase lagu wadaa inay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqdo
guul-daradeeda, isla-markaana ay taageero buuxda siiso
musharaxa xisbiga waa Sen Brack Obama e.
Tan
iyo intii uu musharaxnimada ku guulaystay Sen. Obama
ayaa waxaa aad looga doodayaa cida uu u dooran doono
jagada Madaxweyne Ku- Xigeen. Sen. Hillary Clinton iyo
taageerayaasheedu waxay muujiyeen inay danaynayaa
jagadaas hadii loo garto. Wali ma jirto cid loo malayn
karo in la siin doono jagadan madax-weyne ku xigeen.
Sen. Obama isna wali arrintaasi kama uusan hadlin,
wallow ay tahay tilaabada ugu muhiimsan ee wajiga danbe
ee doorashooyinka madaxweyne.
Taageerayaasha Sen. Hillary ee gobolada qaar ayaa
muujiyay caro ku aadan guul-darada musharaxooda ayagoo
ku goodiyay inaysan u codayn doonin Obama, kol hadii ay
hartay Hillary. Dadka siyaasada xisbigan indha
indheeyana waxay sheegayaan in goodiganu aanuu ahayn mid
horey u dhici jiray, balse waxay cadeeyeen in xisbigu ku
midoobi doono taageerada Sen. Obama.
Sen.
Obama oo horaantii todobaadkan taageerayaashiisa kala
hadlay garoonka cayaaraha ee magaalada St. Paul, gobolka
Minnesota ayaa sheegtay guul, marka ay timaado
musharaxnimada xisbiga demoquraadiga. Waxaase uu laga
maar-maan ka dhigay midnimada taageerayaasha xisbiga
demoquraadka iyo dadka Mareykanka oo dhan, si wax
looga qabto qaab nololeedka iyo dhaqaalaha dalka.
Tar-tanka
is-reeb-reebka xisbiga Demoquraadka ayaa ah mid
taariikhi ah, ayadoo ay noqotay markii ugu horeysay ee
tar-tankaasi ay isugu soo haraan nin Afrikan ah iyo qof
dumar ah. Waxaa intaas sii dheer in tan-tankan lagu
tilmaamay midkii ugu xiisaha badanaa ayna codeeyeen
dadkii ugu tirade badnaa ee taariikhda xisbigan codeeya.
|