|
Abdirizak Ahmed
Luuliyo, Columbus, OH
Hillaty Clinton oo aheyd mid ka mid ah
musharaxiintii xisbiga dimuqaraadiga ee doorashada
madaxtinimada dalka Mareykanka oo si cad shaaca uga
qaaday inay taageerayso Barack Obama oo mar looltan
xoog badani kala dhaxeeyay ayaa hada ka midaysan sidii
xisbigoodu ugu guulaysan lahaa aqalka cad ee looga
arimiyo wadanka Mareykanka.
Isu soo bax balaaran oo ka dhacay New
Hampshire ayaa markii ugu horeysay waxaa si wadajir ah
loogu arkay Hillary Clinton iyo Barack Obama oo isku
mabda’a ah isla markaana isku olaleynaya si xisbigooda
Dimuqraadiga uu uga guulaysto xisbiga Jamhuuriga ee
haatan haya hogaaminta talada Mareykanka.
Isu soo baxaan oo ay ka hadleen Obama iyo
Hillary ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii martiqaad
qado ah ay ku qaateen magaalada Washington D.C waxaana
kulankaasi Obama uu ugu yaboohay Ms Clinton in uu gacan
ka gaysan doono bixinta qarashka daymaha ee lagu
leeyahay Hillary ee ay gashey intii ay isaga kula
loolamaysay qofka xisbiga Dimuqraadiga u matalaya
doorashada madaxtinimada xisbiga dimuqraadiga.
Hillary Clinton ayaa taageerasha xisbiga
dimuqaariga ee ay la hadashey waxay ugu baaqdey inay
taageeraan oo ay u codeeyeen Obama.
"Hadii aad ku fakaraysaan waxaan u
baahanahay dariiq cusub, qorshe cusub iyo ajnade cusub
ka dibna waa inaad codkiina siisaan Barack Obama,
waxaadna markaasi ka dib heli doontaan fursada aad
doonaysaan”sidaasi waxaa u sheegtey taageerayaashii
jidbaysnaa ee isu soo baxay Hillary Clinton. Wuxuu u
shaqeyn doonaa idinka, wuxuu u dagaalami doonaa idinka,
wuxuuna u istaagi doonaa idinka maalin walba aqalka cad
ayey mar kale tiri Hillary Clinton oo ay gacmaha
ishaysteen Barack Obama.
Obama oo ka Hadley isu soo baxaasi ayaa
wuxuu si aad ah u amaanay Hillaty Clinton iyo saygeeda
oo u horey u ahaa madaxweynaha Mareykanka, waxaana
isagoo faraxsan uu la qaybsadey taageerayaasha
marxabaysan ee xisbiga dimuqraadiga ereyo ay ku
dhawaaqayeen oo ahaa waad mahadsantahay Hillary.
Barack Obama ayaa wuxuu sheegay in
xisbiga dimuqraadiga uu u baahan Hillary iyo odeygeeda
Bil Clinton waa hadii Dimuqraadigu ay doonayaan inay ku
guuleystaan madaxtinimada .
Si aad
ah ayaan ugu baahanahay, kaliya ma ahan olalahayga,
laakiin dadka Mareykanka waxay doonayaan shaqadooda,
riyadooda iyo waliba maskaxdooda ama fahamkooda sidaasi
waxaa yiri Obama oo si weyn ay uga muuqatay farxad
xoogan. |