|
Abdirizak Ahmed
Luuliyo, Columbus, OH
Wasiirka Sinaanta ee dalka Spain Bibiana
Aido ayaa eedayn kulul usoo jeedisay raga muslimiinta
ayadoo ku dhaleeceysay in raga muslimiinta ay iyagu
xirtaan dharka reer galbeedka halka dumarkoodana ay u
xiraan dhar dhaadheer oo ay jirkooda ku qariyaan waa
siday hadalka u dhigtaye.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegtay kulan
looga arinsanayay arimaha haweenka ayna soo
qabanqaabiyeen golaha barlamaanka dalka Spain.
Haweenaydaan wasiirka ah ayaa aad ugu dheeraatay in
dawladeedu ixtiraamayso dhamaan dhaqamada iyo
caadooyinka kala duwan balse ay ka soo horjeedo waxa ay
ku magacawday sinaan la’aanta xuquuqda raga iyo dumarka
muslimiinta.
Waxayna ku baaqday in la qaado
talaabooyinka ku haboon ee lagu joojin karo waxyaabaha
dhibaatada ku ah xuquuqda Insaanka.
Hadalada ka soo yeeray wasiirka ayaa waxa
aad uga xumaaday muslimiinta ku dhaqan dalka Spain
waxayna sheegeen in ay ugu baaqayaan wasiirka in ay
raaligalin ka bixiso hadalkan aysana ka hadlin wax aysan
wax ka aqoon, maadaama xijaabku uu yahay wax Alla uu ku
faral yeelay haweenka muslimka .
Madaxa Raabidada Islaamka ee dalka Spain
ninka lagu magacaabo Mansuur Scodder ayaa sheegay in
Qur’aanka uu amray haweenka iyo raguba in ay is asturaan.
Mansuur oo hadalkisa sii wata ayaa wuxuu
yiri dalalka reer galbeedka waxaa aad ugu soo badanaya
naceybka loo qabo gabdhaha muslimka guud ahaan, gaar
ahaan kuwa ka soo jeeda wadamada carabta.
|