|
Ahmed Hosh - Kooj
luuliyo
Tim Russert oo ahaa madixii wakaalada waraka NBC laanta
Washington, isla markaana ahaa wariyihii ku caanbaxay
waraysiyada siyaasigaa ee barnaamijkii loo yiqiinay
“Meet the Press”, ayaa wadnuhu istaagay xili uu ku jirin
hawshiisii wariye nimo, uuna ku sugnaa xafiiska NBC ee
magaalda Washington maalintii Jimcaha.
Tim waxa uu ahaa 58 jir kamid ah dadka ugu magaca dheer
dalkan Mareykanka. Tom Brokaw oo shaacbixiyay geerida
Tim ayaa yiri “Waa arrin murugo leh inaan idiin sheego
geerida ku timid Tim Russert oo wadnuhu istaagay isagoo
ku jira shaqada” Tim ayaa dhawaan ka soo noqday fasax ay
isga iyo xaaskiisa Maureen Orth ugu dabaal dagayeen
qalinjabintii wiilkooda Luke oo dhawaan ka qalinjabiyay
jaamacada Boston.
Madaxd-weyne George Bush ayaa si murugaysan uga
tacsiyeeyay geerida Suxufigaan. “Tim Russert waxaa uu
ahaa suxufi qiimo badan oo qadarin mutaystay, wuxuuna
ahaa shaqsi aad u wanaagsan”. Sidaa waxaa yiri Anderson
Cooper oo ka tirsan CNN, joogayna Africa.
Dadka caankaa ee codkooda ku biiriyay tacsida, ayaa
waxaa kamid ah: Sen. Barack Obama, musharaxa madaweyne
ee Xisbiga Dimoquraadiga, Sen. John McCain oo isna ah
Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga jamhuuriga, Sen.
Helliray Cillinton iyo hogaamiye yaal kaloo can ah.
Waxaa xaqiiqaa in caalamku si-weyn u tabi doono Tim
Russert, balse hadii aan dib ugu noqono taariikhdiisii
dheerayd ee suxufi-nimo: Waxaan marnaba la iloobi doonin
barnaamijkii hirgalay ee “Meet the Press” oo uu daadihin
jirey, lana baahin jirey maalin kasta oo Axada. Tim
waxaa uu gacan qaadi jirey si hufana u waraysan jirey
dadka aduunka ugu caansan, waxaana daawadayaashu uga
barteen su’aalo aan leex-leexasho lahayn oo si buuxdana
uga turjuma dareenka bulshada.
Tim waxaa uu siyaasada New York soo galay 70 tamaadkii,
asagoo 1977 illaa 1982 noqday madaxa shaqaalaha ee
Senator Daniel Patrick Moynihan, oo ahaa
dimoquraad laga soo doortay New York sanadii 1976 kii.
Wuxuu kaloo gacan weyn ka gayastay doorashadii Mario M.
Cuoma oo loo doortay duqa magaalda New York sandii 1982
kii. Asagoo noqday la taliyaha qaaskaa ee duqa magaalda
New York intii u dhaxaysay 1983 – 1984.
Dhab ahaantii waxaa uu ahaa wariye u jajaban shaqadiisa,
had iyo jeerna soo ban-dhigo gundhiga arrinta doodu ku
wajan tahay ee markaas la qaadaa-dhigayo. |