|
Luuliyo
Laba kamid ah shaqaalaha hay’ada Qaramida Midoobay
laanteeda badbaada iyo amniga ee loo yaqaan UNDSS ayaa
lagu afduubay magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Labaadan qof ee iyagu ahaa shaqaalaha QM ayaa ka soo
kala jeeda wadamada Swedish iyo Danish, waxaana la
sheegay in loo afduubay dhanka Wajid ee isla gobolka
Bakool.
Shaqaalahan lagula kacay afduubka ayaa magaalda Xudur u
joogay inay ka caawiyaan dadka deegaanka khatarta
miinooyinka iyo wax-yaabaha qarxa intaan la afduubin
kahor, waa sida uu sheegay Kjell Larsson oo ah
agaasimaha hayda Caalamigaa Swedishka ee qaabilsan
badbaadinta Shaqaalah
Wariye ku sugnaa magaaladaas ayaa sheegay in todobo qof
ku dhaawacantay kuwaas oo uu ku jiro gudoomiyihii
degmada. Waxaa kaloo la cadeeyay in shaqaalahan aysan
wax dhaawaca halkaas ka gaarin lana kaxaystay ayagoo
bad’qaba.
Afduubkan loo gaystay shaqaalaha gar-gaarka ayaa lala
xiriirinayaa inay gaysteen xoogaga midowgii maxkamadaha
ee kol-hore ciidamada Itoobiyanku kaga itaal roonaadeen
koonfurta Soomaalia.
Magaalada Xudur oo kamid ah magaalooyinkii ay saameeyeen
dagaaldii dhex-maray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya
sanadii 1977kii ayay khatar weynku hayeen miinooyinka
iyo wax yaabaha qarxa sodonkii sano ee la soo dhaafay..
sababta ugu weyn ee shaqaalahaas la afduuaby ay halkaasi
u tageen waxa ay ahayd inay yareeyaan wax yeelooyinka ay
walxaha qarxa dadka deegaanak u gaystaan.
Hardanka siyaasada Soomaaliya ayaan suurto galin in
dowlad dhexaa laga helo dalka tan iyo intii ka danbaysay
markay bur-burtay dowladii dhexe ee uu hormuudka ka ahaa
Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.
|