|
Ahmed Hosh
luuliyo
FP: Majalada
Freign Policy ee ka soo
baxda Magaalada Washington Dc ee dalka Mareykanka ayaaa
todobaadkan daabacday faalo dheer oo ku aadan dalalka
habsaamay ama dumay. Halka ugu horeysa ee diiwaankaas
waxaa galay dalka Soomaaliya ee mudada dheer bur-burka
ku dhex jirey.
Diiwaanka dalalkan
habsaamay ee ay Soomaaliya ugu horeysa ayaa waxaa safka
ku weheliya 11 wadan oo Afrikaan ah, waxaana Geeska
Afrika kaga weheliya dalka Sudan oo galay lambarka 2aad
iyo dalka Itoobiya oo isna galay lambarka 16 aad.
Qiimayntan ayaa ku
salaysan liidadshada qodobo ay ugu horeeyaan Nidaamka
dowligaa, qaxootiga iyo barakaca, dhaqaalaha, xuquuqda
aadanaha, aminiga iyo qodobo kale oo la-xiriira qaab
nololeedka ummadaha dalalkaas iyo hanaanka dowladnimo.
Soomaaliya ayaa in mudaaba
safka hore uga jirta goobaha musiibooyinka aduunka iyo
dagaaladu halakeeyeen, Rajada laga qabo isbadal
wanaagsana waa mid sii libdhaysa, sidaasi waxaa qorey
majalada Foreign Policy
ee ka soo baxda Washington.
WP: Wargayska
Washington Post
ee isna ka soo baxa magaalada Washington ayaa qorey
qormo cinwaankeedu ahaa: Waa
In Soomaaliya la eego. Waxaa Wargaysku wuxuu
faaqiday in - Dowlada Maraykanku qeyb ay ka tahay
mushkilada Soomaaliya halka dowladihii Muslinku gabeen
inay gargaaraan Soomaaliya.
Wargayska WP waxaa uu
qorey in sadexda bilood ee soo socota dadka Soomaaliyeed
ee u baahan gargaarka dag-dagaa ay gaarayaan 3.5 ayadoo
in ka badan million qaxootiyana ka bexeen dalka, xaalada
dagaal awgeed.
Waxaa uu wargaysku
si buuxda u muujiyay sababaha aysan Soomaaliya u helin
xal siyaasadeed oo lamid ah kii loo galay dalka Kenya ee
ay hormuudka ka ahaayeen Condoleezza Rice iyo Kofi Anna.
Waxaana qormadu xustay in hadalhaynta saxaafadeed iyo
buun-buuninta Sudan ay ka mudan tahay Soomaaliya, waa
hadii ujeedadu tahay in musiibo wax laga qabto.
Wargaysku waxaa uu xusay
siyaasda dowladaha galbeed ee ku aadan Soomaaliya iyo
argogixiso la dirirku in aanay ahayn mid u danaynaysa
dalka Soomaaliyeed. Asagoo intaas ku daray in dowladaha
Muslinkaahi aanay ahayn kuwo muujinaya wax dareen ah oo
ku aadan dalkaas musiibadu halkaysay ee Soomaaliya,
arrintaas oo ka imanaysa isriix-riixa madhabadaha
Islaamka ee soomaalidu kaga jirto madhabta Suniga.
Waxaa uu wargayska WP
intaasi ku daray in Soomaaliya ay haystaan mashaakilo
faro badan oo soo jiitamayay balse ay arrinta Soomaaliya
sii cakirayso joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee
ayagu taageera dowlad ku-meel-gaarkaa.
VOA: Warbixin kale oo ay
soo saartay VOA ayay walaac ka muujisay Shaqaalaha
gargaarka ee sida weyn loogu dhibaateeyo dadlka
Soomaaliya.
Waxay waarbixintu cadaysay
in Soomaaliya noqotay goob lagu bar-tilmaameed-sado
shaqaalaha gar-gaarka iyo suxufiyiinta waana arrin
khater weyn u gaysatay dadka Soomaaliyeed ee ayagu u
baahan gar-gaarka. Hadii la dilo suxufigu waxay lamid
tahay inaan gayigaas wax warihi ka soo bixin, halka
dhibabka loo gaysanayo shaqaalaha hay'adaha gar-gaarkuna
hor istaagtay mucaawinadii la gaarsiin lahaa
dhibanayaasha.
Warbixinta VOA waxaa ay si
qoto dheer uga hadashay xaalada murugsan ee dalka iyo
xad gudubyada lagula koco shaqaalaha gar-gaaka taasina
waxay keentay in badi hayadihii Qaramada Midoobay ay
joojiyeen hawlihii ay ka wadeen dalka ayana kala bexeen
shaqaalihii.
Sida ay ka soo xigatay
Maamuulaha cisbitaalka Madiina oo ka hadlay khatarta la
soo gudboonaatay hawl-wadeenada hay'adaha waxaa uu yiri
"khatar tan ka daran ma soo marin shaqaalaha gar-gaarka
waa markii ugu xumayd, ankee shaqaalihii 17kii sano ee
lasoo dhaafay dalkan ka shaqeynayay waa ay dareen
sanyihiin in xaaladu iminka sidii hore ka daran tahay"
|