Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves
alt

 

alt
 
 
 
 
alt  
 
 

Faallo: Khilaafka DFKG ee Soomaaliya.

Deeqo Shire (Sonna)

luuliyo 

 

Tan iyo todobaad yadii u danbeeyay waxaa sii xoogaysanayay qilaafka sookala dhex galay xubnaha dowlada oo noqday mid shacabka somalida e dunida daafaheeda ku nool ay u dhag tagaan.

 

Qilaafkan oo ku salaysan arimo siyaasadeed oo guracan ayaa mid walba oo kamid ah labada masuul ee ugu saraysa dowlada waa Nuur iyo Yusufe waxa uu u suxul duubayaa in uu ku muujiyo awoodiisa masuuliyada ugu saraysa dowlada,ayadoo khilaafki ugu foosha xumana uu ahaa midkii xilka looga qadayay maxed cumar xabeeb maxed dheere oo labada masuul midna ka qaday midna ku celiyay.

 

Su’aal aan horay dad badan isku waydiin ayaa ka dhalatay qilaafkaas oo ah yaa leh awoda ugu sareeysa dowlad ma Nuur mise Yusuf? Taasi waa mida xaalada ka dhigtay in hardan siyaasadeed oo cusub uu dowlada ka dhex biloowdo.

 

Labada xubnood ee dowlada ayaa iminka wada isku day ku aadan in mid walba uu helo kalsoonida ugu badan ee xubnaha dowlada gaar ahaan baarlamaanka si uu midka kale ugu helo awood uu kaga adkaado.

 

Xubnihii ugu badnaa ee baarlamnaka somaliya ayaa iminka isugu yimid gudaha magalada baydhabo ayaga oo horayna u ansixiyay qodabkii la xariiray batroolka,halka  ay qorshaynayaan in cod loo qado wax qabadka doowlada,xili uu gabo gabo marayo mudadii xilka loo doortay madaxwayne yusuf.

 

Qaar kamid ah xubanaha baarlamanka ayaa sharaxad hoose ka bixyay in xooga ay sari donaan qodobo dhoowr ah oo ay ka mid yihiin lunsasho dhaqale,tacadiyada lagu sameeyay xeerka dowlada,waxqabda la’aanta dowlada,iyo mudadii ay jirtay iyo kuwo kale.

 

8/8/2008 ayaa lagu waramaya in kulan albaabada loo labay ay labada mausul ku yeesheen xarunta dowlada ee villa Somalia,waloo aan la helin cid si rasmiya u faah fahisa waxa ka soo baxay hadana dhinacyo labada dhan oo saxafadu la xariirtay ayaa xaqiijiyay in kulankaasi uu ku soo gabo gaboobay is fahmi waa labada dhan ah.

 

Hadaba laga soo bilaabo 2004tii oo ah xiligii dhidibada loo tagay dowalda KMG ah waxaa soo food saray caqabado siyaasadeed iyo qilaafyo xubnaha  ugu sareeya dowlada soo kal dhex galay.

 

Khilaafadkaas ayaan ka xusi karnaa midkii sookala dhex galay Gudoomiyihii barlamanka shariif xasan sheikh adan iyo labadadii masuul ee dowlada ugu sareeyay waa geedi iyo yusufe taas oo sababtay in koox uu hormuud kayahay shariifku ay ku biiraan mucaaradka eratareeya ilaa iyo imnka.

 

Waxaa ku xigay midkii soo kala dhex galay cali geedi iyo madaxwayne yusuf oo ugu danbayn sababay in xilka laga qado geedi, balse ilaa iyo imnka makala cada halka ay ku danbayn donto dooda cadiifada xanbaarsan ee u dhaxaysa  nuurcade iyo yusuf,walow dadka siyaasada buun buuniyaa ay raysal was are nuur ku sheegaan nin Somali nimo u dagalamaya.hadana waxaa taasi mesha ka saaraysa kalsooni laa,aanta dhinaca dowladiisa oo muuqanaysa kadib markii ay xilka iska casileen dhoowr iyo toban wasir oo dowladii oo magacabay ah xili ay ka cabanayaan wax qabad la’aan iyo ayaga oo labada masuul ku eedeeyay kuwo u adeega danaha beelahooda wasiday hadlka u dhigeene.

 

Guntii iyo gab gabdii Waxaa arinta dhanka xiisaha leh uu yahay halka qilafkan uu sal dhigto xili  ay jiraan arimo dhoowr ah oo labada masuul looga fadhiyay,sida ka qayb galka shirka sacuudi oo mucaradka iyo dowlada ay ku kulmilahayeen kuna saxiixi lahayeen qodabadii laiskula meel dhigay jabuuti,u diyaargaroowga,doorashiiyinka 2009ka, xal u helida mushkulada dowlada,iyo arimokale dhamana waa ku kuwo ku laalan halka qolafkoodu sal dhigto.

 

 

 

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.