Luuliyo
 
Home | Afkaarta | Ogaysiiska | Somali Blog | English Blog | Xiriirka - Contact | Keydka - Archieves

 

 
Nasir Abdi
 
 
 
 
 

Xaakim Maxkamada Saraa oo Xukumay Inay Socoto Dacwadii Nasir Cabdi.

 

Edmund A. Sargus Jr.oo kamid qareemada maxmada sare ayaa xukumay inay socoto dacwadii Nasir Cabdi. Nasir Cabdi oo ahaa 23 sano jir madaxa looga jiro ayay Booliiska degmada Franklin ku toogteen gurigiisa oo ku yaalay jidka Cassady, 29 kii Diseembar 2005. Nasir ayaa diiday inuu dawadiisii qaato kahor intaanuu midi ula soo bixin ciidankii Boliska ee u yimid inay caawiyaan, Mididii uu la soo baxay awgeed ayaa mid kamid ah Boolisku si toos ah u toogtay Nasir oo isla goobtii ku naf baxay.

Qoyskii Nasir ayaa ayagu dacwada ay hormuudka ka yihiin ku dalbanaya mag dhow gaaraya ilaa $250.000 oo doolar oo ay ka doonayaa laanta Booliiska magaaldan Columbus.

Xaakimkan maxkamada sare ayaa cadeeyay in hada kadib dacwadu aysan noqonayn mid ku wajahan inuu Nasir jiranaa iyo in kale, balse ay noqon doonto mid ku wajahan inay xubnihii ciidanku ahaayeen kuwo u tabo baran inay la macaamilaan dadka maskaxda loogajiro iyo in kale. Waxaa si buuxda loo cadeeyay in askartii shilkani ka dhacay aysan qaadanin wax tabo-bar ah oo arrinkaan la xariira. 

Dacwadan ayaa dib u furmi doonta ama la dhagaysan doonaa bisha June 16 keeda, kana dhacaysa maxkamada degmada Columbus.

Arrinta dilka Nasir waxay keentay xurguf dhex marta ciidan Booliska iyo dadka Soomaalidaa ee halkaasi dagan oo iyagu in mudaaba u ololaynayay in dacwada Nasir socoto oo laga qanciyo dhacadan qoyskii iyo bulshda Soomaaliyeedba, lana helo cadaalad arrintaasi ku saabsan. Waxaana in mudaaba dhacayay mudaaharaadyo Soomaalidu dhigtay oo arrintaas la xariira.

Fred Gittes oo ah qareen arrinta ku jira ayaa sheegay inay muhiim tahay in loo baahan yahay in askartu qaadato tababar la xariira sida loola macaamilo dadka maskaxda ka jiran. wuxuu intaas raaciyay in hadii sidaasi dhacdo ay bogsiinayso qoyskii Nasir.

Dhagaysiga dacwada Nasir waa guul ay gaareen qoyskii Nasir iyo Soomaalida reer Columbus oo si aan nasasho lahayn arrintaan u dabo taagnaa tan iyo markii shilkan naxdinta lehi dhacay 29kii bishii Diseembar sanadii 2005.

 
Copyright © 2006 Luuliyo. All rights reserved.